483 Views

Khasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Muqdisho

Khasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Muqdisho
____________________________________________________________________________

Dabka oo geystay intiisa badan khasaaro hantiyadeed ayaa Barqanimadii Maanta waxaa uu ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Suuqa Xaafada Seybiyaano degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal Dabka ayaa ka dhashay Koronto ka kacday Timajare kuyaalla Aaga Suuqa Caanaha, waxaana dabka uu ku faafay Goobo dhowr ah oo lagu iibiyo Cuntada qutul daruuriga iyo Caanaha.

Qaar kamid ah Ganacsatadii laheyd Goobaha uu dabka saameeyay ayaa sheegay in uu dabka baabi’iyay ilaa Shan Goobood oo Ganacsi maadaama uu ahaa mid aad u xoogan, isla markaana Hanti farabadan ku burburtay.

Waxaa ay sheegeen in dabka lagu demiyay dadaal ay sameeyeen Ganacsatada Suuqa Seybiyaano iyo qeybaha kale ee Bulshada, balse saameyn weyn uu ku reebay.

Dabka ka kaca Goobaha Ganacsi ee kuyaalla Magaalada Muqdisho ayaa aad u badan, waxaana inta badan ku khasaaro dadka Ganacsatada ah kadib markii ay kasoo daahaan Gawaarida dam demiska Gobolka Banaadir, halka Suuqyada qaar loo waayo waddooyin loo maro si dabka loo demiyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post