972 Views

Human Rights oo ku tilmaamay farmaajo Kaligii Taliye Digteetar ah lana mid ah Madaxweynaha Eratariya Isaias Afwerki.

Human Rights oo ku tilmaamay farmaajo Kaligii Taliye Digteetar ah lana mid ah Madaxweynaha Eratariya Isaias Afwerki.
____________________________________________________________________________

April 18-2021

Xili Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday uu ku adkaysanayo mudo kordhin, ayaa waxaa arintaas ka soo hor jeestay Somalida iyo Beesha caalamka.

Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo uu ku muujinayo in

madaxweynaha Soomalaiya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo madaxweynaha dalka Erateriya oo muddo badan xukunka haya.

“Layaab malahan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Galaha Shacabku u sameeyaan muddo kordhin hal dhinac ah oo laba sano ah xili uu u muuqdo inuu qaadayo wadada madaxweynaha dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana xukunka haya muddo dheer kaas oo bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri qoraalkiisa Kenneth Roth.

Sidoo kale Hadalka Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa imaanaya xili wadamada beesha caalamku ay siyaabo kala duwan uga hadleen arrinta muddo kordhinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post