891 Views

Madaxweyne Qoor Qoor oo Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug

Madaxweyne Qoor Qoor oo Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-27-2020-Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa xeer soo baxay oo ku astaysan 26 Agoosto,2020 ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Mamulka Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.

Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.

Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.

Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.

Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM

Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM

Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM

Wuxuu soo saaray xeerkaan:

Qodobka 1aad

Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM

Qodobka 2aad

Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post