243 Views

Maalinta Muhaajiriinta Caalamka oo la xusay

Maalinta Muhaajiriinta Caalamka oo la xusay
____________________________________________________________________________

isniin: December 19, 2022

Qaramada Midoobay ayaa Axaddii xustay Maalinta Caalamiga ah ee Muhaajiriinta, taasi oo lagu muujiyay doorka waxtarka leh ee boqolaal milyan oo muhaajiriin ah kuwaasi oo caqabado kala kulmay ka hayaamidda dalalkooda si ay nolol wanaagsan u helaan.

Xuska sanadkan ayaa imanaya iyadoo ay sii kordhayaan dalalka reer Yurub ee albaabada ka xiranaya qaxootiga iyo soo galootiga dhaqaale doonka ah ee ka imanaya Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Africa.

Waxa ay sidoo kale ku soo beegantay iyadoo ay tiro badan oo muhaajiriin ah ay ka imanayaan bartamaha Ameerika iyago isku dayaya in ay ka soo gudbaan xuduudda koonfureed ee Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post