966 Views

Xayiraadaha ay ku soo rogeen mas’uuliyiinta Ingriiska daaciga Anjem Choudary

Xayiraadaha ay ku soo rogeen mas’uuliyiinta Ingriiska daaciga Anjem Choudary
____________________________________________________________________________

.

Axad: july 25 2021

Xayiraadaha ay ku soo rogeen mas’uuliyiinta Ingriiska daaciga xagjirka ah Anjem Choudary ayaa u muuqda kuwo laga qaadi doono.

Chaudhry, oo ka soo jeeda Ilford, bariga London, ayaa xabsi ku jiray shan sano iyo badh oo ka bilaabmaya sannadkii 2016 ka dib markii lagu helay dambi ah inuu abaabulay taageerada kooxda xagjirka ah ee Daacish.

Waxaa si shuruud leh looga sii daayay xabsiga Belmarsh sannadkii 2018, waxaana la saaray xiyaraad guud taas oo la filayo in ay dhammaanto dhowaan.

Ma aysan cadeyn hadii ay kormeerayaan booliska iyo sirdoonka ama haddii uu sii ahaanayo “nin mudan in gaar looga warhayo”.

Chaudhry ayaa ahaa hoggaamiyaha kooxda hadda la mamnuucay ee Al-Muhajiruun, oo lagu eedeeyay fasiraad xagjir ah oo diinta Islaamka ah.

Choudary, oo ahaa qareen, waxay ahayd inuu xirto qalab elektaroonig ah oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqiisa, iyo inuu guriga joogo habeenkii, ama inuu helo rukhsad uu ku tago masaajidda oo uu ku dhex jiro meel cayiman, uuna u hoggaansamo shuruudaha kale sida inuu si joogto ah ula kulmo saraakiisha amniga.

Waxaa la rumeysan yahay in booliska iyo hay’adda amniga gudaha “MI5” ay ka mid ahaayeen kuwii ku lugta lahaa ilaalinta Chaudhry.

Magaciisa waxaa lagu daray liiska dadka cunaqabateynta ay saareyso Qaramada Midoobey, taas oo macnaheedu yahay in laga mamnuucay safarka isla markaana hantidiisa la xayiray.

Ilo wareed sare oo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warbaahinta in xayiraadaha, sida kuwa lagu soo rogay Chaudhry, ay dhib ku tahay tuhmanayaasha inay sii faafiyaan fikirka ay ku eedaysan yiiin.

Wicitaanada taleefanka iyo isticmaalka internet-ka, ayaa laga mamnuucayaa dadka looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin arrimaha xagjirnimada, marka laga reebo ogolaanshaha hore ee maamulka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post