204 Views

Taliyayaashi Jabhada SSC oo Ku Geeriyooday Dagaalka Saakay Ka Socda Magaalada Laasacanood

Taliyayaashi Jabhada SSC oo Ku Geeriyooday Dagaalka Saakay Ka Socda Magaalada Laasacanood
____________________________________________________________________________

Isniin : February 6 2023 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka taagan xiisad xoogan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay bariga Laascaanood, kadib markii ay isku dayeen ciidamada Somaliland inay soo galaan magaalada, waxaana ka hortagay dadka deegaanka.

Taliye Afgaab Cartan ayaa hadda la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood.

Taliye Afgaab waxa uu hormuud u ahaa halganka Reer Laascaano ay kaga soo horjeedaan Somaliland.

Dagaal Ayaana Wali Si Xowli ah ugu socda Daafaha Magaalada Waxaana jira Khasaara aan wali lasoo koobin kaasoo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post