855 Views

Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Gedo & Khasaaro ka dhashay

Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Gedo & Khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shil gaari uu Maanta ka dhacay Wadada Isku xirta Garoonka Diyaaradaha Iyo Magaalada Baardheere.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah, waxaana la sheegay in Shilkaasi ay ku dhaawacmeen 5 Ruux oo uu ku jiro Darawalkii Gaariga.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka degaanka uu shilka ka dhacay ay gurmad u sameeyeen dadka uu gaariga la rogmday, iyada oo dhaawaca geeyay Isbitaalka degmada Baardheere.

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca Shilal Gaari, kuwaas oo ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaarto dadka saaran gawarida shilka gala.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post