447 Views

Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres oo sheegay inay dunida halis ugu jirto in Nuclear la isku adeegsado

Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres oo sheegay inay dunida halis ugu jirto in Nuclear la isku adeegsado
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2022

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo ka hadlayay furitaanka shirka dib u eegista heshiiska taariikhiga ah ee xakameynta faafista hubka nuclear-ka (Nuclear Nonproliferation Treaty) oo 50 sano jirsaday ayaa sheegay in dunida ay halis ugu jirto dagaal ay dalalka waaweyn isku adeegsadaan hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay halista ay dunida ugu jirto adeegsiga nuclear, taa oo ka dhalan karta in dal uu si khaldan u xisaabtamo amaba tallaabo ka dhalata is faham la’aan dhex marta dalalka haysta hubkan wax gumaada, taasoo khatar gelin karta buu yiri jiritaanka aadanaha.

Xoghayaha oo milicsaday dagaalka Ukraine, xaaladda Bariga Dhexe iyo tan Gacanka Korea ayaa xusay inay sababi karaan dagaal la isku adeegsado hubkaasi.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in uu u socdaali doono dalka Japan, si uu Magaalada Hiroshima uga qaybgalo munaasabadda 6-da August, ee lagu xusayo 77 guuradii ka soo wareegatay, markii Mareykanku uu bam nuclear-kii ugu horreeyay ku dhuftay Hiroshima, iyadoo 3 cisho ka dibna uu bamkii labaad ku dhuftay Magaalada Nagasaki ee dalkaasi Japan, xilligii dagaalkii 2aad ee adduunka.

Bambaanooyinkan ayaa waxaa ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaaso inta u dhaxeyso 129,000 illaa 226,000 oo qof, kuwaa oo intooda badan rayid ahaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post