321 Views

Ciidamo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo Alshabaab Degaano Hor leh kala Wareegay

Ciidamo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo Alshabaab Degaano Hor leh kala Wareegay
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 16, 2022

Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa arroortii hore ee maanta AS kala wareegay degaano hoos-yimaada degmada Balcad ee gobalka Sh/ Dhexe, kadib muddo sanado ah oo ay halkaas ku sugnaayeen AS.

Degaanada AS laga qabsaday ayaa kala ah Yaaqle, Mukadheere, dhabacoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki, waxaana ciidanka dhulkaas qabsaday hogaaminaya Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo katirsan Golaha Shacabka ee BFS.

Sidoo kale mas’uuliyiin katirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa howlgalkaan qeyb ka ah, sida, Guddoomiye Abshir Kaaraan, Guddoomiye Maxamed Deeq Geedow iyo saraakiil kale. AS ayaa laga saaray badi deegaanadii ay ka joogeen degmada Balcad kadib dhowr jiho oo laga weeraray kooxdaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post