1536 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo ugu baaqay DFS & Dowlad Goboleedyada inay u midoobaan dagaalka Shabaab

Madaxweynaha Jubbaland oo ugu baaqay DFS & Dowlad Goboleedyada inay u midoobaan dagaalka Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 01,  2018 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu sheegay in xornimada wadanka ay dadaal iyo wakhti badan galiyeen jiilkii wakhtigaas kuwaas oo mirihii ay beereen aan maanta haysano inkasto waxyaabo badan aysan ahayn sidii la rabay.

Xornimadii Gobolada Waqooyi 26 June ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ahayd Maalin aan la dhayalsan karin oo dareenka Bulshada ku xoogan iyo midowgii labada Gobol iyo Xornimada Koonfurta Koowda Luulyo oo ku timid rabitaanka dadkeena iyo ahmiyada wadajirku uu leeyahay.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Midnimadaas iyo Madaxbanaanida Qaranka ay maanta wax badan iska badaleen wuxuu hoosta ka xariiqay in kala qaybsanan aysan waxba soo kordhinaynin oo aanay jirin cid si gaar ah wax uga faa’iidi karta.

Dhamaan Dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in maanta la joogo xiligii Gobolada Waqooyi la xaal marin lahaa oo wixii ay tabanayaan ay tahay waajib in lagala hadlo oo la qanciyo maadama ay yihiin xudunta iyo asalka Xornimada iyo Midnimada Qaranka.

Madaxweynaha oo la hadlayay dadweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in amaanka ka jira deegaanka ay ku faro adaygaan wuxuu ugu baaqay in midnimo iyo wadajir loo baahan yahay si horay loogu socdo.

waxaa uu sheegay in xoraynta deeganada maqan ay tahay masuuliyad si wadajir ah u saaran qof walba isagoo xusay in ay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa wakhti dhowna dadku ay arki doonan dadaalka arintaas laga sameeyo.

Dhinaca kale Siyaasada wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in mudo ay ahayd mid aan ku dhisnaynin qiyamka oo laga yaabo in qof walba siduu doono uu yeelo taas oo wadajirka dhaawac u gaysan karta.

Dowlada Federaalka ah ayuu ku booriyay in aysan iska indho tirin Masuuliyadaha saaran ee isku haynta dadka iyo ilaalinta wadajirkooda.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dagaalka Al-Shabaab uu yahay gabo gabo oo wakhtigoodii uu dhamaaday Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayuu ku booriyay in ay u diyaar garooban in ay inta dhiman is raaciyaan oo aan jaanis loo siin in ay dib isku sii abaabulaan taas oo dagaalka ka dhigi karta mid dabo dheer.

Mustaqbalka wuxuu kaloo sheegay Madaxweynahu in AMISOM ay ka baxayso Soomaaliya balse loo baahan yahay inta ka horaysa in Ciidamada Soomaalidu ay kaligood qaadi karaan Howlgalo Argagixisada lagaga saarayo meelaha ay joogaan.

Gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu Dhamaan Umada ugu hambalyeeyay maalmaha Xoriyada isagoo ku booriyay in aan la dayicin dadaalkii aan kala go’a lahayn ee looso maray Xornimada wadanka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment