1125 Views

Koofur Galbeed oo ka hadashay dadka xalay lagu laayay Gaalkacyo

Koofur Galbeed oo ka hadashay dadka xalay lagu laayay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 15,, 2019  –Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay sagaal qof oo ka soo jeeda degaannadaas.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan ayaa sheegay in dhamaan dadka lagu laayay Gaalkacyo ay ka soo jeedaan degaannadooda.

Waxaa uu sheegay in Maamulkooda uu baaritaan ku wado sababta iyo cidda dishay dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed ee lagu laayay Gaalkacyo.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in dadka deggan Magaalada Gaalkacyo ee ka soo jeeda Koofur Galbeed aysan xalay guryahooda seexan.

Dhawaan ayey ahayd markii 4 qof oo ka soo jeedda degaannada Koofur Galbeed lagu dilay degaanka Bulacle ee Gobolka Galguduug.

Maamulka Galmudug ayaa horay u beeniyay in dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed lagu amray in ay isaga baxaan degaannada Galmudug, kaddib markii warkaas ku faafay baraha Bulshada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment