897 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Beledweyne

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 10 2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweyne Waare oo ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan labada Gole ee Hir-Shabeelle ayaa maalmahaan ku sugnaa Magaalada Jowhar,waxaana Garoonka Diyaaradaha Beledweyne kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweyne Waare iyo Xubnaha labada Gole ee la socda ayaa la filayaa inay kormeer ku tagaan Goobaha Guddiga gurmadka iyo Maamulka degmada ay ka wadaan xeritaanka si looga hortago fatahaad uu sameeyo Wabiga.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jirta xaalad cabsi ah oo ku aadan fatahaad xoogan uu sameeyo wabiga Shabeelle,waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment