852 Views

Wasaaradda Ganacsiga iyo hay’adda UNIDO oo dhiiri gelin u sameeyay ganacsato soo bandhigtay Cagafyo

Wasaaradda Ganacsiga iyo hay’adda UNIDO oo dhiiri gelin u sameeyay ganacsato soo bandhigtay Cagafyo
____________________________________________________________________________


Talaado: November 23, 2021

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNIDO iyo Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa si wada-jir ah usoo bandhigay maal-gashi ay Ganacsato Soomaaliyeed ku sameeyeen Cagafyo loogu talogalay horumarinta wax soo sarka beeraha

Munaasibad kooban oo lagu qabtay xaruunta Wasaaradda ganacsiga isla markaana ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan ayaa lagu soo bandhigay maalgashiga mashruucan oo hindisihiisu ka dhashay shirkii Madasha Iskaashiga Ganacsiga ee Talyaaniga iyo Soomaaliya oo sanadkii 2019-kii ka qabsoomay dalka, iyada oo xiligaas ka dib wada xaajoodyo u bilaabmay ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga ah oo taageero farsamo ka helaya hay’adda UNIDO iyo IBS Bank ay ugu dambeyn shirkadda Gaalooge ku guulaysatay inay lix Cagaf oo loogu talo galay horumarinta wax soo saarka dalka ay ka soo iibsato shirkadda CNH ee laga lee yahay dalka Talyaaniga.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu horseedi doono sare u qaadidda kobaca dhaqaale ee dalka, waxaana ay boggaadiyeen guushan weyn ee la gaaray oo ay sheegeen inay tahay mid horumar weyn u horseedaysa dhinaca wax-soo-saarka beeraha, ganacsiga, shaqo abuurka iyo guud ahaan Maal-gashiga dalka, ayna ku faraxsan yihiin in maanta ay miro dhaleen dedaaladii ay mudada dheer soo waday Wasaaraddu ee khuseeyey dhinaca iskaashiga ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya Massimiliano Bertollo iyo madaxa Hey’adda UNIDO ee Soomaaliya Ygor Scarcia aya dhankooda xusay inay ku faraxsanyihiin miradhalinta maalgashigan, isla markaana iyago kaashanaya Wasaaradda gacansiga ay sii wadi doonaan taageeridda ganacsatada yar yar ee soo koraya.

Maamuluha shirkadda Gaalooge ee ka shaqeysa arrimaha beeraha Sheekh Aadan Maxamed ayaa Sheegay inay sii wadi doonaa maalgashigooda ku aadan horumarinta beeraha iyo sidii beeraleyda uga faa’iideysan lahaayeen agabka ay u keeneen, isagoo intaa ku daray in qalabkan tayadiisu ay aad u sareyso isla markaana uu leeyahay damaanad-qaad buuxa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post