1098 Views

Biyo dhaamin loo sameeyay Dadka ay abaartu ku saamaysay Gobolka Mudug

Biyo dhaamin loo sameeyay Dadka ay abaartu ku saamaysay Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Talaado: January 18, 2022

Mashruucaan Biyo dhaaminta ah ayaa waxaa iskaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Galmudug iyo Hayโ€™adda IMC waxaana ka faaidaysanaya 1100 qoys oo ku nool Gobolka Mudug, kaasi oo maanta laga bilaabay deegaanka Jilable hayre

Masโ€™uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Hayโ€™adda IMC ayaa goobjoog ka ahaa madashaan Gurmadka loogu sameynayo dadka Abaaruhu sameeyeen

Axmedkhayr Macalin Maxamuud Madaxa IMC oo ka waramaya mashruucaan ayaa xusay inay tahay mid ay uga faaโ€™ideynayaan dadka ay abaartu saameysay.

Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo isku-duwaha Tamarta Galmudug ee Gobolka Mudug Cumar Xasan Xaaji iyo Axmed Xasan Faarax ayaa sheegay in biyo dhaaminta la gaarsiin doono dadka ay abaartu saameysay ee ku nool Gobolka Mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post