1002 Views

DFS oo shaacisay in la ballaarinayo xarumaha lagu baaro Covid-19

DFS oo shaacisay in la ballaarinayo xarumaha lagu baaro Covid-19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 05 2020–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta iyo ka hortagga Cudurka COVID19.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay ballaarinta adeegga sheybaarka COVID19, maadaama kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ay kordheyn iyo heerka diyaarinta isbitaalka Martiin 2 oo geba-gebo mareysa.

Sidii kale Guddiga ayaa waxaa ay shirkooda ku go’aamiyeen sidii Beledwayne loogu diri lahaa Injineero qiimeyn ku sameeya magaalada oo sameeya qorshe looga baaqsan karo fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka geysanayo Magaaladaasi Beledweyne.

Shirka Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ayaa waxaa habeen walba ay ku yeeshaan Shirkooda mareegta dhinaca internetka,iyaga oo uga hadla xaaladaha Coronavirus iyo waxyaabihii kale ee soo kordha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment