951 Views

Dil ka dhacay Dhuusamareeb & Faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Dhuusamareeb & Faah faahin kasoo baxeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin , Feberaayo 24, 2020 —Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu diley Askari ka tirsanaa Ciidamada Hoggaanka Ahlusunna ee ku sugan Magaaladaas.

 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dilka Askariga uu ka dambeeyey mid kamid ah ilaalada Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf oo isna kamid ah Madaxda Ahlusunna.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilka uu yimid,kadib markii markii uu dhex marey muran labada Askari xilli ay ku wada sugnaayeen Xarunta Inji oo ay degan yihiin hoggaanka Ahusunna,hayeeshee askarigii dilka geystay ay Ciidamadu qabteen.

 

Si kastaab dilka asariga ka tirsanaa Ciidamada Ahlusunna Maanta loogu geystay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xili Magaaladaas ay ku sugan yihiin Ciidamo farabadna oo ay geysay dowladda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment