1290 Views

Qaar ka mid ah wadamada carabta oo cambaareeyay weerarkii Yahuuda

Qaar ka mid ah wadamada carabta oo cambaareeyay weerarkii Yahuuda
____________________________________________________________________________

Dhowr dal oo Carab ah iyo hogaamiyeyaal Islaamiyiin ah ayaa maanta oo Sabti ah cambaareeyay qorshooyinka looga saarayo Falastiiniyiinta bariga Qudus ee la heysto, iyada oo weerar lagu qaaday dad ku cibaadaysanayay salaad masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa cambaareysay tallaabooyinka hal dhinac ee Israel , taasi oo ay ku sheegeen in ay wiiqeyso fursadahii dib loogu bilaabi karo wadahadallada nabadda.

“Waan diidnay qorshooyinka iyo talaabooyinka Israel ay ku doonayso in ay kaga saarto guryahooda Falastiiniyiinta, kuwaa oo ku yaal Qudus iyo in ay ku soo rogaan cadaadisyada Israel,” ayay tiri.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa  dhankeeda cambaareysay burburinta ciidamada Yahuuda ee Masjidka Al-Aqsa iyo weerarka lagu qaaday dadka cibaadaysanayay.

“Barakicinta qoysaska Falastiiniyiinta ee xaafadda Sheekh Jarrah waxay xadgudub ku yihiin go’aannada sharciyeynta caalamiga ah iyo sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kuweyt ayaa sidoo kale cambaareysay dhacdadii ka dhacday masaajidka oo ay u aragtay in ay caqabad cad ku tahay dareenka muslimiinta iyo xeerarka xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale, Jaamacadda Al-Az-har ee Masar ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday cibaadeystayaasha waxaana bayaanka kasoo baxay lagu yiri “argagixiso arxan daran oo yahuudu ku qaaday Qudus”.

Midowga Islaamka ee Culimada Muslimiinta (IUMS) ayaa waxa ay bogaadiyeen adkaysiga reer Falastiin oo ay ku wajaheen gardarada Yahuuda iyo ka barakicinta guryahooda.

Xoghayaha Guud ee Midowga Culimada Muslimiinta Cali Qaradaghi ayaa ku dhiiri galiyay dunida Muslimka in ay taageeraan qadiyada Falastiin, xagga maadiga iyo anshaxa, iyada oo la tixgelinayo taageerada noocan ah.

Ugu yaraan 205 Falastiiniyiin ah iyo lix sarkaal oo booliska Israa’iil ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo ka dhacay magaalada Qudus, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil.

Booliska ayaa weeraray muslimiinta ku cibaadeysanayay gudaha Masjidka Al-Aqsa xilli ay ku gudajireen taraawiixda – salaadaha habeenka qaaska ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Masaajidka Al-Aqsa waa goobta saddexaad ee ugu quduuska badan Muslimiinta. Yuhuuddu waxay aagga ugu yeeraan “Macbadka Buurta,” iyagoo ku andacoonaya inay ahayd goobtii laba macbud oo Yuhuuddu lahaayeen waqtiyadii hore.

Israa’iil waxay qabsatay Bariga Qudus, halkaasoo ku taal Al-Aqsa, intii lagu jiray dagaalkii 1967 ee Carabta iyo Israa’iil, Waxayna  ku xirtay magaalada oo dhan 1980-kii tallaabo aysan weligeed aqoonsan Beesha Caalamku.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post