882 Views

Kulan looga hadlayay amaanka doorashada oo Baledweyne lagu qabtay

Kulan looga hadlayay amaanka doorashada oo Baledweyne lagu qabtay
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: August 11, 2021

Gudoomiyaha Gobalka Hiiran Cali Jeyte Cismaan ayaa shir gudoomiyay kulan ka dhacay magaalada Beledweyne oo looga hadlayay xaqiijinta iyo adkeynta amaanka xaafadaha Beledweyne.

kulanka ayaa waxa ka qeyb galay saraakiisha ciidamada Booliska magaalada saraakiil kasocotay Amisoom Booliska iyo mas’uuliyiinta maamulka gobalka Hiiraan, iyadoo siweyn diirada loogu saaray arimaha amaanka.

Kulanka intii uu socday waxaa doodo laga yeeshay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada oo lagu wado in ay doorashooyin ka dhacaan isla markaan lagama maarmaan tahay in la sugo amaanka.

Masuuliyitan ayaa isla gartay qaabka ay si wada jir ah ugu wada howlgali gali lahayen Ciidamadda Booliska AMISOM iyo booliska Beledweyne si loo xaqiijiyay amaanka iyadoo saraakiisha labada dhinac iyo maamulku wada qaaten.

Markii uu islaaday Kulanka wxaa ka warbixiyay waxyaabihii looga wada hadlay Gudoomiye ku xigenka Amniga Gobalka Hiiraan Axmed Cismaan inji oo shaaca ka qaaday in kulan uu hordhac u ahaa kulama badan oo amaanka looga arisin doona isla markaana lagu qaban doona degmada.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigenka Amniga Gobalka Hiiraan Ayaa Wax laga Weydiiyay sidda maamulka Gobalka Hiiraan uu ugu Diyaargaroobay Doorashoyinka Beldweyne ka dhacaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post