1299 Views

Akhriso:-Shaqaalaha dowladda oo la fasaxay saddex maalmood

Akhriso:-Shaqaalaha dowladda oo la fasaxay saddex maalmood
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 08, 2019 —Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo.

 

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo  hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax  tahay  maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood  oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019,  Fasaxana  waa  Maalmaha  Sabtida,  Axadda iyo  Isniinta.

 

 

 

Sida ku cad sharciga shaqaalaha  Qod.30aad, Farqadiisa  2aad na ay fasax yihiin Maalmaha  Sabtida,  Axadda iyo  Isniinta.

 

Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment