750 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo degmada Waajid kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo degmada Waajid kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan degmada Waajid ee Gobolka Bakool ,ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka degmadaas.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa, mid Madaxweyne Lafta-gareen uu Odayaasha dhaqanka uga xog-wareysanayay xaaladda guud ee degmada Waajid iyo baahiyaha ka jira degmada, ee loo baahan yahay in wax laga qabto.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay inta uu socday amniga degmada iyo wadashaqeynta ka dhexeeysa dadka shacabka iyo laamaha amniga, sidii loo horumarin lahaa adeegyada aas-aasiga ee loo baahan yahay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaii Lafta-gareen oo kulamo kale la qaatay dhalinyarada iyo Haweenka ayaa ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidanka amniga Maamulka, si looga hortego falal amni darro oo Waajid ka dhaca.

Kulamada xalay ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayay Wasiirka Cadaalada Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdulqaadir Maxamuud Nuur, Wasiiro iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Maamulka, kuwaasi oo shalay gaaray degmada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post