1134 Views

Madaxweyne Farmaajo “Dhaqale xumo baahsan ayaa dowladda heysata”

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 22, 2019 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyay caqabadaha heysta dowladdiisa ay ka mid tahay dhaqaale xumo baahsan oo dhowaan soo wajahay.

Isagoo ka hadlayay shirka Culimada ayaa sheegay in dhaqaale xumada heysata dowladnimada ay tahay canshuuraha oo aan loo qaadin sidii la rabay.

“Waxaa intaas ugu daran dhaqaale xumo baahsan ayaa dowladda heysta, wax kale ma ahan aruurinta canshuuraha ayaa sidii la rabay aheyn”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Inkastoo Wasaaradda Maaliyadda ay dhowaan sheegtay inay horumar ka sameysay dakhli uruurinta gudaha dalka, isla markaana horumar laga sameeyay nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay in dowladda ay wajaheysay culeysyo dhaqaale, gaar ahaan taageero dhaqaale oo wadamo dhowr ah laga helayay oo la jaray, taasoo loo sababeynayo tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladdu qaaday ee la xiriiray siyaasadda Arrimaha dibadda

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment