684 Views

Qaraxa uu ka badabaaday Maareeyaha dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon oo saakay ka dhacay muqdisho

Qaraxa uu ka badabaaday Maareeyaha dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon oo saakay ka dhacay muqdisho
____________________________________________________________________________

..

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari uu watay Maareeyaha dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon, balse uu ka badbaaday, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Qaraxaas ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis, waxaana la sheegay inay ka dhasheen dhaawacyo.

Laba kamid ah ciidankii la socday ee ilaalada u ahaa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxa, welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post