1080 Views

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay boqolaal dhalo oo Khamri ah.

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay boqolaal dhalo oo Khamri ah.
____________________________________________________________________________


Sabti: December 18, 2021

 Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan iyo mid kamid ah Raggii ka ganacsanayay, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen caasimadda Puntland ee Garoowe.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Taliska Qeybta Booliska gobalka Nugaal, ayaa lagu sheegay in khamridan oo gaaraysa 60 dhalo, gaarigii ay saarneyd iyo Ragii watay mid kamid ah, lagu soo qabtay gudaha Garoowe.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal ayaa u mahadceliyay ciidammada howlgalada sameeyay qabashada khamrida.

Waxaa uu sheegay inay sharciga horgeyn doonaan cid walba oo lagu soo qabtay, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah waxyaabaha Maanka dooriya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post