1380 Views

Difaaca hawada ee Saudi oo hawada ku burburiyay gantaal iyo diyaarado oo kooxda Xuuthiyiinta

Difaaca hawada ee  Saudi oo  hawada ku burburiyay gantaal iyo diyaarado oo  kooxda Xuuthiyiinta
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Difaaca hawada ee boqortooyada Saudi Arabia ayaa Sabtida maanta ah hawada ku burburiyay ilaa 8 gantaal iyo diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ah oo ay kooxda Xuuthiyiintu ku gantay koonfurta carriga Sacuudiga, sida uu baahiyay TV-ga dalkaasi oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

Afhayeen u hadlay kooxda Xuuthiyiinta ayaa ku qoray Twitter in hal diyaarad oo drone ah [nooca aan duuliyaha laheyn] lagu weeraray xarun militari oo ku taalla magaalada Khamis Mushait. Hase ahaatee, isbahaysiga ayaa sheegay in ilaa 7 diyaaradood oo drones ah lagu weeraray koonfurta Sacuudiga hawada laga qabtay.

Kooxda Xuuthiga ee taageerada ka hesha Iran ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay weerar la beegsanaysay Khamis Mushait iyo magaalooyinka kale ee ku dhow xadka dalka Yemen.

Isbahaysi ciidan oo ay Riyadh horkaceyso ayaa 2015-kii weeraray Yemen ka dib markii ay Xuuthiyiintu ka qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Sanca dowladda Yemen ee uu taageero Sacuudiga islamarkaana haysata aqqoonsiga caalamiga ah.

REUTERS

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post