1563 Views

Madaxweyne Deni oo isku badalay Taliyeyaasha Qaybaha Booliska gobolada Nugaal iyo Mudug

Madaxweyne Deni oo isku badalay Taliyeyaasha Qaybaha Booliska gobolada Nugaal iyo Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 4, 2020 –Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saaray, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal iyo Mudug.

 

Madaxweynaha maamulka Puntland  Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

 

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

 

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.

 

Wuxuu xeeriyey:

 

  1. Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

 

  1. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment