669 Views

Ganacsade sheegay Warbixin ay shaciyen UNka oo gaari uu lahaa is Qarxin rabo sumadiisuna tahay AH 2737..

Ganacsade  sheegay Warbixin ay shaciyen UNka  oo gaari uu lahaa is Qarxin rabo sumadiisuna tahay AH 2737..
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

 Xili sanadihii la soo dhaafay Qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay soo warin jireen Hay’addaha u qaabilsan UNka amaanka ayaa waxaa arintaas si kulul uga jawaabay Ganacsade ay sheegeen UNka in gaari uu leeyahay is Qarxin rabo.

Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa been abuur ku tilmaamay Warar saacadihii la soo dhaafay oo sheegaya in gaari noociisu yahay Surf sumadiisuna tahay AH 2737, kaas oo ay dhowaan UN-ku shaaciyeen in laga yaabo in maalmaha soo socda uu  isku qarxiyo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo kasoo muuqday warbaahinta ayaa beeniyey digniinta kasoo baxday UN-ka, wuxuuna soo bandhigay gaariga oo uu sheegay in uu isagu leeyahay, islamarkaana ay been abuur yihiin wararka la faafiyey ee ah inuu qarax sido.

Dhinaca kale  ganacsadahan ayaa shaaca ka qaaday in qatar la galiyey naftiisa iyo maalkiisa, wuxuuna UN-ka ka dalbaday inay magdhow ka bixiyaan arrintaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post