1464 Views

Kiisaska Karoonaha ee degaanada Somaliland oo sare u kacay iyo Muuse Biixi oo ka hadlay

Kiisaska Karoonaha ee degaanada Somaliland oo sare u kacay iyo Muuse Biixi oo ka hadlay
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 17da Maarso, 2021
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Xanuunka Karoona Feysris uu kor u kacay sedexdii todobhaad ee la soo dhaafay deegaanadooda.

Madaxdweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa intaa ku daray in baaritaan ay bilaabeen kowdii bishaan maarso ilaa  hadda diwaan galiyeen inka badan 3,380 oo qof.

Waxaa uu sidoo kale isaga oo sheegay in cudurka laga helay 2,018 qof, halka ay ka bogsaden 1,800 qof, waxaana u dhintay  85 qof.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay dadaal ku bixin doonto sidii looga hortagi lahaa, maadaama uu dhibaato ku yahay degaanda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka in ay ilaaliyaan kala fogaanshaha iyo talaabooyinka looga hortagaayo cudurka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post