738 Views

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 03, 2021–Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgalla degaannada Galmudug ayaa xoojiyay Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu arkayaa Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo howlgallo kala duwan ka sameeynaya Xaafadaha & Goobaha Ganacsiga Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug ayaa siwyen looga dareemay howlgallada Ciidamada, iyada oo saraakiisha weli aysan soo bandhigin waxyaabo ay ku qabteen howlgallada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale waxaa ay kamid tahay meelaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada Xildhibaannada labada Aqal kasoo gelaya degaannada Galmudug, waxaana taasi ay keentay in amniga Magaalada siweyn loo adkeeyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post