867 Views

Ciidamada xoogga oo Howlgalo ka sameeyay saacadihii la soo dhaafay Deegaanada Raqayle, Raydabley, Caanooley, Galoole, iyo Gumeysi diid Sh.hoose

Ciidamada xoogga oo Howlgalo ka sameeyay saacadihii la soo dhaafay Deegaanada Raqayle, Raydabley, Caanooley, Galoole, iyo Gumeysi diid Sh.hoose
____________________________________________________________________________

May 4, 2021

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo kala duwan waxaa saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo mararka qaar ay tagaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.


Holwgalka ayaa Ciidamada waxaa ka sameeyeen degaannada Shaam-gare, Raqayle, Raydabley, Caanooley, Galoole, iyo Gumeysi diid, kuwaas oo hoos taga Degmada Awdhegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay Salhdigyo ay lahaayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan.


Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale ay fashiliyeen dhowr miino oo ay degaannadaas ku Aaseen.


Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer waxaa ay holwgallo kala duwan ka sameeyen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, balse ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post