987 Views

Tirada dadka ku dhintay duufaantii Pawan oo la shaaciyey

Tirada dadka ku dhintay duufaantii Pawan oo la shaaciyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 11 , 2019 | QOL |   –Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dabaylihii iyo roobabkii toddobaadkii hore ku dhuftay degaannada xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya ay ku dhinteen lix qof.

 

War qoraal ah oo ay soo saartay Qaramada Mioobay ayaa lagu sheegay in degaannada ku yaalla Gobollada Bari iyo Nugaal ay dad ka badan 32 kun oo qof ay dabaylahaasi ku waayeen waxyaabihii noloshooda ay ku tiirsanayd.

 

 

 

Waxay sidoo kale sheegtay Qaramada Midobay in dabaylahaasi barakiciyeen 4,800 oo qof .

 

Sidoo kale waxay dabaylaha iyo roobabka duufaanta Pawan ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale, gaar ahaan magaalooyika Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray.

 

 

 

Waxay sheegtay Qaramada Middoobay in dadka ay dabaylahaasi saameeyeen ay u baahan yihiin biyo nadiif ah, hoy, mara-kaneecooyin, dhar carruureed iyo agab kale oo caafimaad.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment