939 Views

Jeneraal Xuud “Yuusuf Dabageed iyo Cali Guudlaawe isku mid ayey inoo yihiin, mana iman karaan Baledweyne

Jeneraal Xuud “Yuusuf Dabageed iyo Cali Guudlaawe isku mid ayey inoo yihiin, mana iman karaan Baledweyne
____________________________________________________________________________

Isniin: July 12, 2021

Jen. Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah hogaamiyaha maleeshiyo diidan Maamulka Hirshabelle oo ku sugan Magaalada Belad-weyne ayaa ka jawaabay hadal dhowaan ka soo yeeray Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed oo ahaa inaan doorasho ka dhici karin Baledweyne hadii uusan iman Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Xuud ayaa sheegay in Baledweyne doorashada lagu qaban karo, ayna amaan tahay, isagoo ugu baaqay DF inay doorashada kuraasteeda taalo Baledweyne ku qaban karto, wuxuuna balan qaaday iney amaanka sugayaan ciidamadiisa.

“Cali Guudlaawe ma imaan karo magaalada Baledweyne doorashadana waa lagu qabanayaa” ayuu yiri Jen. Xuud.

Waxaa uu sheegay in Yuusuf Dabageed oo safar ugu maqan degmada Buulo Burde uusan ku soo laaban karin Belad-weyne.

“Maanta kadib Yuusuf Dabageed iyo Cali Guudlaawe isku mid ayey inoo yihiin, mana iman karaan magaalada Baledweyne, diyaarad soo qaadi kartana ma jirto” ayuu yiri Jen. Xuud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post