1056 Views

Duqa Muqdisho oo Amar siiyay Gudoomiyeyaasha Kaaraan iyo Yaaqshiid

Duqa Muqdisho oo Amar siiyay Gudoomiyeyaasha Kaaraan iyo Yaaqshiid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-18–2019 —Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar) ayaa Maanta Kormeeray isgooska fagax oo kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo karaan halkaas oo ah Meel ay biyaha fadhiistaan xili roobaadka.

 

Duqa Muqdisho ayaa faray labada Gudoomiye karaan iyo yaaqahiid in wadadaan sida ugu dhaq siyaha badan laga bixiyo biyaha si ay u fududaato isku socodka Bulshada.

 

 

Shacabka kunool Xaafada Fagax ayaa dhowr jeer baaq u diray maamulka gobolka Banaadir, Maadaama biyaha meesha Fadhiya ay kasoo wajaheen dhibaatooyin.

 

Labada Gudoomiye oo fulinaya Amarka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaay bilaabeen in ay ka shaqa bilaabaan Wadadaan oo ah wada halboole u ah shacabka iyo Gadiidka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment