2337 Views

Sawiro:-Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa

Sawiro:-Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa
____________________________________________________________________________

Haragaysa  | QOL | September 25, 2018Magalada Hargeysa ee Soomaaliland ayaa waxaa Maanta gaaray Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Jabhada ONLF,dhawaan lagas oo daayey Xabi ku yaalla Adis Ababa.

Qalbi-Dhagax oo ka ambabaxay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo dhoweeyn ballaaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa.

Dad weyne farabadan oo xiran Calanka dowlad deegaanka Soomaalida iyo mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland ayaa qeyb weyn ka qaatay soo dhaweynta Cabdikariin Sheekh muuse Qalbidhagax.

Soo dhaweyn kadib Warbahinta ayuu kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxa uuna ka mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey,isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu tago Magalada Hargeysa.

Sidoo kale wax auu sheegay in uu Shacabka iyo madaxda Soomaaliland uu salaan uga sido mas’uuliyiin ka tirsan Ururka ONLF,isla markaana dhawaan imaan doonaan.

Inta uu ku sugan yahay Magalada Hargeysa Qalbi-Dhagax ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixii Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland.

2 3 4 5 6

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargaysa 

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment