2619 Views

Saraakiil Ciidan oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xaruunta Baay

Saraakiil Ciidan oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xaruunta Baay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 25  Luulyo 2017 – Saraakiil  ciidan oo ka socda Dowladaha Talyaaniga,Ingiriiska iyo maraeykanka ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Baydhaboee Xaruunta Gobolka Baay waxaana Garoonka Baydhabo kusoo dhaweeyey Saraakiisha Xooga Dalka Soomaliya.

Saraakiishaan ka socday Dowladaha reer Galbeedka ayaa booqosho kala duwan ku tagay Xeryaha Ciidamada Xooga Dalka ku leeyihiin Xaruunta Gobolka Baay waxaana ka mid ah Xaruumaha ay kor meereen Xerada taliska qeybta 60 aad ee Ciidamada Xooga Dalka iyo Xaruumo kale.

Waxaa ayna balan qaadeen inay dhawaan deegaanada Maamulka koofur Galbeed ay ka hirgalin doonaan Xaruumo Ciidan taasooo qeyb ka noqonaysa Xoojinta iyo tayaynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Amaanduulaha  taliska qeybta Lixdanaad ee  Ciidamada Xooga Dalka G/ sare Cismaanciil Khaliif Shire ayaa sheegay inay Saraakiisha ka socday Dalalka Talyaaniga,ingiriiska iyo mareykanka ay kala hadleen inay ka taageeraan dhinacyada tababarada iyo taakulaynta Ciidamada Xooga Dalka gaarahaan kuwa ka howl-gala Gobolada Baay iyo Bakool.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment