1050 Views

Meydad tiro badan oo laga helay webi mara xadka Tigray iyo Suudaan

Meydad tiro badan oo laga helay webi mara xadka Tigray iyo Suudaan
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Tiro meydad ah oo dul sabeynayay webi mara xadka Suudaan iyo Itoobiya ayaa lagu arkay halkaas, sida laga soo xigtay dad ku sugan dhinaca Suudaan.

Meydadka qaar waxaa ka muuqday dhawaac rasaas ah halka qaarkoodna ay gacmaha ka xirnaayeen.

Webiga Setit oo Itoobiya looga yaqaano Tekeze ayaa dhex maraa gobolka ay colaadaha ka taagan yihiin ee Tigray halkaas oo ay ku dagaallamayeen dagaalyahanada Tigray iyo ciidamada Itoobiya.

Qof ka shaqeeya arrimaha caafimaadka oo kasoo qaxay Tigray kuna Suudaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu aasay meydad gaarayo 10 tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay.

Wuxuu intaas ku daray in la helay meydad hor leh oo gaarayo 28 la helay.

Wakaaladda wararka AP oo soo xiganeyso sarkaal ka tirsan dowladda Suudaan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta gobolka Kassala ay arkeen 50 meydad ah oo la rumeysan yahay inay yihiin dadkii kasoo qaxayay colaadda Tigray.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin arrintani.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post