1533 Views

Qaar ka mid ah Soomaalida Qaxootiga ku ah Ugaandha oo ugu geeriyooday Gaajo

Qaar ka mid ah Soomaalida Qaxootiga ku ah   Ugaandha oo ugu geeriyooday Gaajo
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Sida ay daabacday wakaaladda wararka Turkiga ee Anaadool Ugu yaraantii 10 Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga oo ku yaala wadanka Uganda, ayaa gaajo iyo Cudurka Dilaaga ah ee COVID-19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee la soo dhaafey.

Waxaa la warineyaa in sababta ay dadka in taan la e’g ay geeriyoodeen ay tahay caawinaad la’aan soo wajahday maadaama dalka Uganda haatan uu ku jiro xayiraad la xiriirta Cudurka Caalamiga ah Karoona Feyrus.

Khalis Muhammad oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalida ee dalka Uganda oo la hadlay wakaalada Anadolu ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga ay u dhinteen gaajo halka kuwa kalena ay u geeriyoodeen Covid- 19.

“Ma awoodno in aan caawineyo Dadkeena kuwa Gaajada u dhimaneya sababo la xiriira xirida COVID-19. Qaxootiga Soomaaliyeed waxay ku baahsan yihiin xaafadaha caasimada, iyo Goobo kale oo kamid ah Dalka si ay caawimaad u helaan” ayuu yiri Khalis Muhammad oo la hadleyey Anaadool.

Khaalid ayaa Xusey inay jiraan Dad Soomaaliyeed oo maalqabeenno ah oo ganacsi ku leh magaalada Kampala iyo qaar kamud ah Gobalada Dalka Ugandha laakiin waxaa uu sheegey caqabada jirta in ay tahay xayiraadaha jira darteed.

Lixdii Bishii Juun ee na dhaaftey Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku dhawaaqay xayiraad Guud sababo la xiriira kadib markii ay aad u kordheen Daka uu soo ridaneyo Cudurka Karoona Feyrus.

Wasaaradda Caafimaadka Uganda, ayaa laga soo xigtey tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalka ay kor u dhaafeen 87,277, iyada oo 2,104 ay dhinteen halka 61,304 oo laga soo kabtay.

Arinta murugada badan ayaa ah in Wali Safaarada Soomalia ay ku leedahay Dalka Ugaandha iyo Xukuumadda Soomaaliaba aaney wali si rasmi ah aaney ugu hadlin Xaaladda Dadkan Soomaaliyeed ee Gaajada iyo Cudurka ugu dhintey Wadanka Ugaandha.

Tani waxaa ay imaaneysaa iyada oo sadex Maalin ka hor waribixin ay Soo saartey Hay, adda World Vision ay ku sheegtey in hadii aan hadda wax laga qaban ay qarka u saaranyihiin in ku dhawaad 10 Million oo qof oo kunool Barigaka ay macluul u geeriyoondoonaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post