888 Views

Kulan u socdo Madaxweynaha puntland & Saraakiisha Ciidamada Gobolka Mudug

Kulan u socdo Madaxweynaha puntland & Saraakiisha Ciidamada Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-09-2020-Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi kulan xasaasi ah uga socdo saraakiisha Amniga ee gobalka Mudug & kuwa Puntland ee kusugan magaalada Gaalkacyo.

Kulankaan oo Saraakiisha Ciidamada uu ugu yeeray Madaxweyne Deni ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimana dhinaca Ammaanka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Gaalacyo ee lagu dilay Taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay ula kulmay Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada,kuwaas oo uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa Amniga Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo tallaabo looga qaadi lahaa kuwa falalka amni darro sameeya.

Kulanka Magaalada Gaalkacyo uga socdo Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saaka Magaalada Gaalkacyo uu isku hor-imaad ku dhex-maray Ciidamada Booliska Puntland iyo Maleeshiyaad ka Ganacsada Maandooriyaha Khamriga uu ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxmed (Cismaan Itoobiyaan).

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post