1284 Views

Xafiis Cusub uu yeelanayo saldhiga booliska Dhuusamareeb oo xariga laga jaray.

Xafiis Cusub uu yeelanayo saldhiga booliska Dhuusamareeb oo xariga laga jaray.
____________________________________________________________________________

 

.


isniin: September 6, 2021

 Waxaa kasoo qeyb galay furitaanka Xafiiska Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan Dowlad goboleedka galmudug sida Xildhibaanno, Wasiiro, Maamulka Degmada, Saraakiil Boolis iyo Ururada Saxaafadda Dhuusamareeb .

Taliyaha Saldhiga Booliiska, Gashaanle  Maxamed Xasan Warsame ayaa ugu horreyn Xafiiska kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay Xafladda, waxa uuna u mahadceliyay bulshadii gacanta ka geysatay hirgalinta dhismaha Xafiiskan Cusub.

Guddoomiyaha Gudigga bilic soo celinta Dhuusamareeb Mudane Shariif Maxmaed Geedi  oo dhankiisa ka waramey howsha is-xilqaanka ah ee Dhuusamareeb ka socota ayaa tilmaamey in ay muhiim tahay sii wadisteeda.

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Abdirahman Cali Maxamed (geeda-qorow) oo ka hadlay ayaa si guud ugu mahadceliyay Saraakiisha ku howlan dib udayactirka fadhiyada muhiimka ah ee Saldhiga, sidoo kalena sheegay in ay ka maamulka ahaan ku gacan siinayaan Taliska.

Gashaanle Sare Khaliif Cabdullaaahi Maalin, Taliyaha Qeybta guud ee Booliiska Galmudug ayaa Mas’uuliyiinta ka qeyb galay Munasabada ka Codsaday in si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha Xabsi Cusub oo uu yeesho Saldhiga, taas uu sheegay in baahi weyn looqabo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post