1086 Views

Farmaajo oo loogu baaqay in uu tallaabo ka qaado howl wadeenada Wasaaradda Waxbarashada

Farmaajo oo loogu baaqay in uu tallaabo ka qaado howl wadeenada Wasaaradda Waxbarashada
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 07 2020
—Dallaadda Waxbarashada Ahliga ah ee SAFE ayaa si kulul uga hadashay natiijadii imtixaankii ay qaaday Dowladda ee kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashada oo ay ku dhaceen ku dhowaad 8 kun oo Arday oo imtixaanka ku gashay Gobolka Banaadir

Qoraal kasoo baxay Dallada ayaa waxaa lagu sheegay in mas’uuliyad darro weyn ay ku dhaqaaqeen siihayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre howl wadeenadiisa, Agaasinka Wasaaradda iyo Xafiiska imtixaanaadka.

Wasaaradda Waxbarashada ayay ku eedeeyeen in wax wal ah ka qabin Aayaha Ardayda Gobolka Banaadir, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Farmaajo iyo siihayaha Wasiirka Waxbarashada inay Arrinta dhacday kula xisaabtamaan howlwadeenada Wasaaradda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post