684 Views

Deni oo la kulmay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.

Deni oo la kulmay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.
____________________________________________________________________________

June 10 2021

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka Covid19.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post