402 Views

Tallaabooyinka la qaadayo saacadihii la soo dhaafay ka dib geerida Boqoradii dalka Ingiriiska Queen Elizabeth

Tallaabooyinka la qaadayo saacadihii la soo dhaafay  ka dib geerida Boqoradii dalka Ingiriiska Queen Elizabeth
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 8, 2022

 Boqoradii dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ahayd boqoradii ugu taariikhda dheereyd taariikhda Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhimatey Qasriga Balmoral oo ku yaala Mandaqada Scotland ee Boqortooyada Ingiriiska, Boqoradu waxay ahayd 96 jir, 70 sannadood oo ka mid ah cimrigeeda waxay ahayd boqorad. Qoyskeeda ayaa ku sugan qasriga ay ku lahayd magaalada Balmoral oo ku taala Mandaqada Scotland.

Boqorada waxa la caleemo saarey oo taajka loo xidhay sannadkii 1952kii, munaasabdii caleemo saarka ee waagaas waxay wax badan ka bedeshay qaab dhismeedka bulshada Britain iyo wadamada ay madaxda u ahayd. Wiilkeeda curad Ameer Charles ayaa loo caleemo saarayaa Boqortooyada Britain. barxadda kasoo horjeeda dhismaha Qasriga Buckingham waxa ku suggan dad badan oo isugu jira bulshada Britain iyo dalxiisayaal.

Waxyaabaha dhacaya kaddib dhimashadii Boqorada Ingiriiska:

Xoghayaha gaarka ah ee Boqorada ayaa dhimashadeeda ku dhawaaqay, si rasmi ayaa loola socodsiiyey warbaahinta iyada oo loola wadaagay qaab ogeysiis ah oo la marsiiyey wakaaladda wararka ee PA iyo BBCda, nidaamkan oo ogeysiis Radio ah waxa loo yaqaanaa RATS.

Qasriga Buckingham hortiisa waxa lagu xardhi doonaa ogaysiiska dhimashada boqoradda, waxaana lagu daaabacay mareegta qasriga, iyada oo la isugu yeedhi doono Baarlamanka dalka Britain.

Meydka Boqoradda waxa maalmo gudahood lagu soo qaadi doonaa baabuur gaar ah, waxaana la keeni doonaa Qasriga Buckingham Palace.

Maalin kaddib dhimashada Boqoradda, golaha guddida Boqortooyada ayaa ku kulmi doona Qasriga St James’s Palace waxaanay ku dhawaaqi doonaan boqorka cusub.

Maalinta ay dhimatay boqoraddu waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah, siddoo kale maalinta la caleemo saarayo Ameer Charles waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah.

Waxa hoos loo dhigay dhamaan calamada Boqortooyada Britain iyo afarta mandaqadood ee Boqortooyada Ingiriiska.

Abdihafid Awil Ismail Weriyaha VOA ee Qaarada Yurub

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post