381 Views

Saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya oo gaaray Adis Ababa.

Saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya oo gaaray Adis Ababa.
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 

Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa gaaray Magaaladda Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Saraakishaan uu hogaaminayo Taliyaha booliiska Soomaaliyeed ayaa Adis Ababa uu kaga qeybgalayo Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika kaas oo ka dhici doona Magaaladda Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Ka hor furitaanka Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol Gen.Xijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Itoobiya Mr Demelash Gebremicheal maadaama Itoobiya ay la wareegeyso hoggaanka (EAPCO) East Africa Police Chiefs Organisation.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post