237 Views

Ruushka oo ku baaqay in dadka rayidka ah laga saaro Magaalada Kherson ee dalka Ukraine

Ruushka oo ku baaqay in dadka rayidka ah laga saaro Magaalada Kherson ee dalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Taliyaha cusub ee Ciidamada Ruushka ee hoggaaminaya dagaalka Ukraine, General Sergei Surovikin ayaa xalaadda Magaalada Kherson ku sheegay mid aad u adag, oo dagaalada ka socdaana ay waxyeelo ba’an ka soo gaarayaan.

Taliyaha ayaa Telefishinka Dowladda Ruushka u sheegay in Ciidamada Ukraine ay gantaalo la dhacayaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo weliba dhismooyinka magaalada, ayna tahay in dadka rayidka halkaasi laga daadgureeyo.

Taliyaha ayaa shacabka reer Kherson ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan, haddii Ciidamada Ukraine ay si indho la’aan ah u duqeynayaan magaaladaasi, sida uu yiri.

Ciidamada Ukraine ayaa horey u sii wada weeraradooda ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalooyinka ku yaala koonfurta iyo bariga dalkaasi.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post