1110 Views

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir ka dhacay Sacuudiga

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir ka dhacay Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, -2019 —Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga Carabiya waxaa lagu qabtay Shirweynaha Khubarada horumarinta hiddaha iyo dhaqanka ee Wadamada iskaashiga Islaamka, iyada oo sanadkaan Soomaaliya ay ka qeyb-gashay.

 

Soomaaliya shirkaasi waxaa uga qeyb-galay Agaasimaha Waaxda Hidaha iyo Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo ay wehlinayeen kusimaha ergayga Ergada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhida iskaashiga Islaamka ee OIC C/raxiin Cusmaan Cilmi iyo Xoghayaha 1aad ee Ergada joogtada Maxamuud Cumar Jawle.

 

Shirweynaha ayaa waxaa looga hadlayaa sida Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka  loogu abuuri lahaa madal loogu talo galay ilaalinta Hidaha iyo Dhaqanka ee Dunida Islaamka,isla markaana loo suurtagelin lahaa abaabulka iyo maalgelinta mashaariicda horumarinta Barnaamijyada Hidaha & Dhaqanka wadamada Islaamka.

 

Agaasimaha Hidaha iyo Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay Inay jiraan waxrbixino la xiriira siyaabaha ugu haboon ee looga gun gaari karo ilaalinta Hidaha iyo Dhaqanka ee Dunida Islaamka iyo sida ay Soomaaliya Hodan ugu tahay goobo farabadan oo ka turjumaya astaamaha taariikhiga ah ee dalalka Islaamka oo ay u gudbin doonaan Shirweynaha.

 

Shirweynahaan ayaa waxaa uu daba joogaa taabagelintii,talooyinkii iyo go’aanadii Shir madaxeedkii wadamada Islaamka oo 27-kii Bishii May ee sanadkaan lagu qabtay Magalada Barakeysan ee Maka-Almukarama,iyada oo Shirkaasi uu Soomaaliya uga qeyb-galay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment