741 Views

Isbaheysiga Taageera Ciidamada Dowladda Yeman oo ku dhawaaqay in ay dileen Xuutiyiinta

Isbaheysiga Taageera Ciidamada Dowladda Yeman oo  ku dhawaaqay in  ay dileen  Xuutiyiinta
____________________________________________________________________________

Axad: November 14, 2021

Isbaheysiga Taageera Ciidamada Dowladda Yeman ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay fuliyeen 42 weerar oo lagu bartilmaameedsanayay Maleeshiyadkaa Xuuthiyiinta ee ku sugan magaalada Sirwaax ee galbeedka Ma’rib iyo Al-bayda oo iyadana dhanka koonfureed kaga beegan Ma’rib.

Maanta ayuu Isbaheysiga sheegay in howlgalkan  lagu burburiyay 17 ka mid ah gaadiidka dagaalka, laguna dilay 186 ka mid ah maleeshiyaadkii u dagaalamayay Kooxda Xuutiyiinta.

Sidoo kale, furimaha koonfureed ee Marib ayaa Sabtidii shalay waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada Yeman iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta, halkaas oo la sheegay in lagu jibiyay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Koonfurta Mariib ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarro ay maleeshiyaadkaasi ku soo qaadeen, iyagoo isku dayay inay dib u soo ceshtaan goobo horay loogala wareegay.

Ilo-wareedyo gudaha Yeman ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaad badan oo u dagaalamaya Xuutiyiinta la dilay, Iyadoo  sidokale Ciidamada Isbaheysiga ay burburiyeen Taangiyo iyo tiro kamid ah gaadiid dagaal oo ay wateen Xuutiyiinta.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post