753 Views

Golaha Shacabka BFS oo maanta dhageysanaya warbixin ku saabsan Saameynta Covid-19 ee dalka.

Golaha Shacabka BFS oo maanta dhageysanaya warbixin ku saabsan Saameynta Covid-19 ee dalka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 07, 2020 –Golaha Shacabka BFS oo ku guda jira kalfadhigooda ugu dambeeyo muddo xileedkooda ee 8-aad ayaa maanta dhageysanaya Warbixin la xiriirta xaaladda Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay ajendayaasha horyaalla oo kala ah:

  1. Warbixin ku Saabsan Saameynta Covid 19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada
  2. Warbixin ku Saaabsan Saameynta Covid 19 ee Ganacsiga
  3. Aqrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya oo qaybtii 1-aad uu dhageystay Golaha.

Xannuunka Covid-19 ayaa saameyn taban ku yeeshay Soomaaliya, inkasta oo istaagay xawaaraha uu ku socday, waxaana dalka ka diiwaangashan 3,941-ruux oo uu ku dhacay cudurka, 3,185 oo ka boksatay & dhimashada 104-ruux.

Kiiskii ugu horeeyay Xannuunka Coronavirus waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 16-kii Maarso 2020 oo maanta laga joogo 235-cishe una dhiganta (7-bilood & 3 Todobaad), waxaana karaantiil la geliyay dadkii uu la kulmay bukaanka cudurka laga helay.

Soomaaliya ayaa liiska kala sareynta waddamada laga helay cudurka Covid-19 kasoo gashay booska 146-aad, halka qaaradda afrika oo ka kooban 57-dal kasoo tiigsatay Kaalinta 37-aad dalalka fayrusku gaaray.

Marka laga tago xannuunka dadka ku dhacay ee Cudurka waxa uu reebay saameyn taban, maadaama muddo la xayiray isu socodka duullimaadyada caalamiga ah, Goobaha waxbarashada oo la fasaxay & meelaha isu imaatinka bulshada oo la yareeyay.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan soosaartay digniin ah in karoona kadib waddamada Afrika ay wajahi karaan Cunno la’aan, Abaar & roobabka da’ay oo laga dhaxli karo Daadad markale qoysas ka barakiciya guryahooda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post