1056 Views

SAWIRO:- Ciidamo fuliyey Amar kasoo baxay Duqa Muqdisho

SAWIRO:- Ciidamo fuliyey Amar kasoo baxay Duqa Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay amarkii uu dhawaan soo saaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) kaas oo la xariiray in xoolaha dhex-socda wadooyinka Caasimadda la xareyn doono.

Amarkaas ayaa dhaqan gelintiisa uu Maanta ka bilaawdey Magaalada Muqdisho,waxaana Maanta Xoolo farabadan lagu xareeyey xarunta Baadi-Qabadka oo dhawaan dib-udhis lagu sameeyay.

Howlgal ay fuliyeen Ciidanka ilaalinta deegaanka dowlada hoose ee Xamar ayaa lagu soo qab-qabtay ku dhawaad 40 Lo’ kuwaas oo dhex-socday wadooyinka waaweyn ee Gudaha magaalada Muqdisho.

Talaabadaan ayaa Maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen inay qeyb ka tahay kor u qaadista blicda Caasimadda iyo in xalwaaro laga gaaro arimaha la xariira xoolaha magaalada lagu soo fasaxo oo caqabad ku ah bilicda iyo Nadaafada gobolka Banaadir.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment