1026 Views

Boombalada sida bini’adamnka loo sameeyay oo laga mamnuucay Nigeria

Boombalada sida bini’adamnka loo sameeyay oo laga  mamnuucay Nigeria
____________________________________________________________________________

Jimco: July 2, 2021

Boombalada sida bini’adamnka loo suureeyay ee dharka lagu xayeesiiyo gaar ahaan kuwa dumarka laga matalay ayaa waxaa laga mamnuucay gobol ku yaalla waqooyihga Nigeria ka dib marki ay maamulka sheegeen in ka soo horjeeddo shareecada Islaamka.

Boombalooyinka noocyadaas oo kale ah ayaa “sidoo kale mas’uul ka ah fikradaha anshax darrada ah ee ka dhex dhaca qaar ka mid ah dadweynaha”, sida uu sheegay madaxa booliiska arrimaha diinta ee gobolka Kano, ee halkaasi Hisbah laga yirahdo.

“Booliska Hisbah ayaa mamnuucaya isticmaalka boombaloyinka ee dukaamada, goobaha ganacsi iyo xitaa guryaha la degan yahay ee gaarka loo leeyahay iyo goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan.”

Haaruun Muxamed Sani Ibn Sina ayaa sheegaya in marka hore olole wacyi gelin ah oo ka dhan ah boombaloyinka loo suureeyay sida bini’aadanka la qaadi doono hase yeeshee wuxuu yiri “Wixii markaasi ka dambeeya qof kasta oo lagu arko inuu sii wadi isticmaalka boombalooyinka uu la kulmi doono ciqaab adag oo xarig iyo ganaax isugu jira.

Gobolka Kano waa mid ka mid ah 12ka gobol ee Nigeria ee looga dhaqmo shareecada Islaamka iyo sharciyada madaniga ee dalka u yaalla.

“Dawaarleyaasha, dukaamada waaweyn iyo milkiileyaasha dukaamada dhammaantood waxay laga rabaa inay u hogaansamaan sharcigaan cusub, waxaana lala socon doonaa inay fulinayaan iyo in kale.” ayuu Sheikh Ibn Sina ku sheegay bayaanka.

Gobolka Kano waa mid ka mid ah 12ka gobol ee Nigeria ee looga dhaqmo shareecada Islaamka iyo sharciyada madaniga ee dalka u yaalla.

Inta badan Muslimiinta dalkaas waxay ku nool yihiin waqooyiga Nigeria, keliya Muslimiinta ayaana lagu xukumaa maxkamadaha shareecada.

Mar sii horreeysay Maxkamad islaami ah oo ku taalla waqooyiga Nigeria ayaa nin fanaan ahaa ku xukuntay dal dalaad kaddib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaadeeyay nebi Maxamed NNKH.

Maxkamadda sare ee shareecada islaamka ee ku taalla Kano ayaa go’aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post