1644 Views

Gen. Odowaa “ Waxaan Isku Furnay Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Marko Ee Xeebta Marta”

Gen. Odowaa “ Waxaan Isku Furnay Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Marko Ee Xeebta Marta”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 25, 2018 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafya waxaa ay howlgal qorsheysan ka wadeen degmooyin hoostaga Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo Ciidanka Howlgalka fuliyey hoggaaminayey, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday kuwo dadka ku dhibi jiray inta u dhaxeysa Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, ayna dhammaatay arrintaasi.

Gen. Odowaa oo la hadlay Idaacadda codka Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka inuu yahay in Alshabaab laga xoreeyo dhammaan goobaha ay kaga dhuumanayaan dalka oo ay ku dhibaan dadka Shacabka ah.

Wariye C/waaxid Axmed Geeddi oo ka tirsan Shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidammada qalabka sida, islamarkaana qeyb ka ah Ciidanka howlgalka wada, ayaa sheegay in Shacabkii dhibka ku qabay marista Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko ay aad u soo dhaweeyeen in dhibka laga dulqaaday, iyagoo Geesiyaasha u mahad celiyey, waxaana ay ballan qaadeen in Ciidanka ay kala shaqeyn doonaan Ciribtirka Al-Shabaab.

 

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment