192 Views

Uhuru Kenyatta oo marki ugu horreysay ka hadlay go’aanka maxkamadda sare ee Kenya

Uhuru Kenyatta oo marki ugu horreysay ka hadlay go’aanka maxkamadda sare ee Kenya
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 6, 2022

Madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay natiijada doorashada tan iyo markii la qabtay codbixintii 9-kii Ogosto, isagoo aan si gaar ah u soo hadal qaadin magaca William Ruto balse si guud u hambalyeeyay.

Aniga oo ilaalinaya ballan qaadkii aan sameeyay ee ahaa in aan sharciga ilaalinayo markii aan u dhaartay xafiiska, waxaan ballan qaadayaa in aan fulin doono amarada maxkamadda sare , ayuu yiri Mr Kenyatta. Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyay Kenyanka in ay dhici doonto xil wareejinta si habsami leh loo agaasimay .

waxaan ku boorrinayaa dalka iyo dadka in la ixtiraamo hay’adaha iyo hoggaamiyayaasheena cusub. Sannadkii 2017-kii, madaxweynaha laftiisa ayaa guushiisii ​​ isla maxkamaddu ay laashay.

Uhuru Kenyatta ayaa horraan sheegay in uu si cad u taagersanyahay ninka ah hoggamiyaha mucaaradka, shacabka kenyanka ah ayuuna ugu baaqay in codadkooda ay siiyan.

William Ruto ayaa manta sheegay in cid kasta oo isaga mucaarad ku ahayd uu la shaqeyn doonowaliba si hufan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post